Faransiiska oo burcad badeed qabtay.
Bar-kulan: Ciidamada Faransiiska ee qaybta ka ah la dagaalanka burcad badeeda, ayaa sheegay in ay qabteen ilaa 11 burcad badeed Soomaali ah.
Afhayeenka ciidamada badda ee midawga Yurub, John Harbour, ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu si farsameysan u qabtay markab yar iyo laba doomood oo ay kooxaha burcad badeedda ah wateen, kadibna la gubay markabkii yaraa iyo doomihii ay wateen.
Afhayeeka u hadlay ciidamada badda ee Faransiiska waxa uu sheegay in ay ka fiirsanayaan sida ay ka yeelayaan 11 qof ee burcad badeednimada lagu tuhunsan yahay ee ay gacanta ku dhigeen.
Harbour, ayaa laga soo xigtay in ilaa 40 weerar oo ay kooxaha burcad badeeda ah ku doonayeen in ay ku afduubtaan maraakiib ganacsi la fashiliyey.
Afhayeenka ciidamada badda Faransiiska ee xeebaha Soomaaliya jooga, ayaa xaqiijiyey in ay sii wadi doonaan dadaalada looga hortagayo burcad badeedda in ay weeraraan maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.
Hay’adda badaha caalamka, ayaa sheegtay in burcad badeeda ay sare u qaadeen weerarada ay ku afduubanayaan maraakiibta ganacsiga, iyadoo haatan gacanta burcad badeed Soomaalida uu ku jiro mid ka mid ah maraakiibta waaweyn ee shidaalka qaada.
Waxaa Qoray Saalax Sonna.
Radio Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
- Ciidamada badda Britain oo qabtay 7 burcad badeed Soomaali ah, 2011/12/02
- Markab dagaal oo qabtay burcad badeed Soomaali ah, 2011/02/13
- Ciidamada faransiiska oo qabtay burcad badeed Soomaaliya., 2010/05/02
- Faransiiska oo burcad badeed ku wareejiyay Puntland., 2010/04/28
- faransiiska oo 6-Burcad badeed ah ku soo wareejiyay Puntland., 2010/03/20

