Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

Dawlad La,aanta Iyo Soomaaliya.

Danjire Ustaad Cabdulaahi Xassan, Masar iyo J Carabta.

Barnaamijkani waa barnaamij gaara oo aanu ku eegayno dhibaatada Dowlad la’aanta iyo fowdada Soomaaliya halka ay gaarsiisay maanta iyadoo isla barnaamijkan aanu dib ugu milicsan doono faa’iidada dowladnimada iyo xornimadu ay leedahay.

Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 sida aynu ogsoonahay dalka Soomaaliya waxaa uu sii galayay Mugdi marba marka ka dambaysa taasoo laga dhaxlay dowlad la’aantii Soomaaliya ku habsatay mudadan labaatanka sano sii caga cagaynaysa iyadoo ay muuqato in Soomaalidu ay gacantooda ku burburiyeen dalkooda, xasuuqeen maatadoodii, barakiciyeen shacabkoodii, sababayna in maanta Soomaali badan ay dalal aynigooda ah ay u gacan hoorsadaan oo ay Qaxooti ku noqdeen.

Hadaba Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya uga wakiilka ah Jaamacadda carabta Ustaad Cabdilaahi Xassan Maxamuud ayaa waxaa uu barnaamijkan dib ugu eegaayaa sidii ay Soomaaliya xornimada uga qaadatay gumaystihii talyaaniga iyo sida ay dowlad ku noqotay intaba.

Faa’iidooyinka ay leedahay dowladnimadu iyadoo la dareemi karo ayuu haddana Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Ustaad Cabdilaahi Xassan waxa uu barnaamijkan uga sheekaynayaa oo uu ku eegayaa dhibaatooyinka Dowlad la’aantu leedahay iyo heerka aan dunida ka marayno isagoo Tusaale ahaan usoo qaadanaya wadanka Masar ee uu wakiilka uga yahay dalka Soomaaliya.

Waxaana uu ugu dambayntii safiir Cabdilaahi Xassan ku taliyay in dowladnimada la taageero isagoo tusaale u soo qaatay waxa ay dowlad la’aanta ka dhaheen qaar kamida culimada islaamka kuwoodii ugu magaca dheeraa, Waxa uuna sidoo kale safiirku ka sheekeeyay dhibaatooyin farabadan oo uu goob jooga ka ahaa, kuwaasi oo saldhig u ah dhibaatada dawlad la,aanta salka u ah.

Tusaalayaal wanaagsan ayuu danjiruhu kaga sheekeeyay berisamaadkii iyo wakhtigii ay Soomaaliya Xornimada ka qaadanaysay gumeystihii reer Yurub, isagoo sidoo kalana iftiimiyay qabka iyo karaamada Soomaalida ilaahay ku manaystay in bal qiimiga iyo sharafta ay dalkooda hooyo iyo waraaqihiisa aqoonsiga ay u hayaan qaar badan oo kamida Ummadda Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan kuwo kale oo aysan micno badan u lahayn dawladnimadu.

Waxaad barnaamijkaan ka dhageysan kartaa Boggaan qeybtiisa Hoose.

Waxaa qorey Cabdrisaaq Bulqaas.

Radio Bar-kulan.

Qaahira, Masar.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Ra’isul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya, 2011/01/21
  2. Xildhibaano Soomaaliya oo Masar Diblomaasiyiin kula kulmay, 2010/10/23
  3. Sucuudiga iyo Masar oo Kawada Hadlay Xaalada Soomaaliya, 2010/07/29
  4. Finland: Shaqa la,aanta Soomaalida oo hoos u dhacday., 2010/04/28
  5. Shaqa la,aanta iyo dhalinta maanta, 2010/03/17

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal