Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Darawalada gaadiidka oo cabasho muujiyay.

Muqdisho:Bar-kulan- Darawalada gaadiidka badeecadaha ka soo qaada dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa cabasho ka muujiyey xirnaanshaha wadada dabka oo ah tan keli ah ee ay adeegsadaan ka hor inta aysan rarka ku dajin suuqa weyn ee Bakaraha.

Mid ka mid ah darawalada oo u warameyey Radio Bar-kulan, ayaa sheegay in muddo ka badan hal todobaad uu ku dhax xayiran yahay dekadda weyn, iyadoo uu si weyn ugu wareersanyahay halka uu marsiin doono badeecadda saaran gaariga uu darawalka ka yahay.

Darawalada, ayaa sheegay in markii horaba ay dhib weyn ku qabeen wadada dabka oo ah mid aad u burbursan hadana ay noqotay aag dagaal oo weyn.

Gaadiidleyda, ayaa ugu baaqay gaancsatada iyo milkilayaasha gaadiidka waaweyn in ay qayb ka qaataan sidii dayactyir loogu sameyn lahaa wadada dabka, loogana dhaadhicin lahaa kooxaha isaga soo horjeeda wadadaasi in ay dib u furaan.

Cabashada gaadiidleyda, ayaa timid maalin kadib markii ay dib u furantay wadada dabka oo maalmihii ugu dambeeyey ay saldhig ka sameysteen ciidamo taageersan Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Waxaa Qoray Saalax Sonna.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. 6 ka mid ah darawalada gaadiidka Kismaayo oo la xiray, 2010/11/29
  2. Sharciyo lagu soo rogay darawalada gaadiidka dhex mara Puntland, 2010/07/28
  3. Muqdisho:Ganacsato Cabasho Muujiyay, 2010/07/11
  4. Darawalo Cabasho Ka Muujiyay Al Shabaab., 2010/07/08
  5. Gaadiidleyda Gedo oo cabasho muujiyay., 2010/05/20

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal