Burcad badeed lagu maxakamdaynayo Virginia.
Virginia: Bar-kulan- Maxkamad ku taala degmada norfolk ee gobolka Virginia ee dalka mareykanka ayaa lagu wadaa in goor dambe oo caawa la hor keeno 9 qof oo Soomaali burcad badeednimo lagu tuhunsan yahay.
Sagaalkaan qof, ayaa qayb ka ahaa ilaa 11 qof, oo ay ciidamada Badda Mareykanka ka soo qabteen xeebaha Soomaaliya, kadib markii ay weeraraan laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, si ay uga hortagaan burcad badeeda Soomaalida.
Qareenada u doodaya Soomaalidaan, ayaa sheegay in ay fursad u helin in ay dhageystaan doodaha eedeysanayaasha Soomaalida ah, kuwaasoo dhammaantood aan ku hadlin luuqadda Ingiriiska.
Qareenada, ayaa sheegay in ay dareensan yihiin in raga caawa la horkeenayo maxkamadda aysan fahamsaneen qaabka ay u shaqeeyaan maxkamadaha Mareykanka, ayna doonayaan in wakhti dheeraad ah la siiyo.
Dadkaan eedeysanayaasha ah, ayaa la sheegay in ay ku jiraan kooxo burcad ah oo isku dayey in ay weeraraan 2 markab oo nooca dagaalka ah oo laga leeyahay Mareykanka, kuwaasoo gacanta lagu dhigay.
Waxaa Qoray Saalax Sonna.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
