Al-shabaab oo Hub la wareegtay.
Baydhaba: Barkulan-Horjoogayaasha Al-shabaab ee gobalada Bay iyo Bakool ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay hub kala wareegeen mid ka mid ah beelaha daga gobaladaasi.
Hub wareejintan oo ka dhacday magaalada Baydhaba ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab iyo qaar ka mid ah malaaqyada beeshaasi.
Hubka ay kooxda ay Al-shabaab kala wareegtay mid kamid ah beelaha daga gobalada Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in ay isugu jireen hubka culus iyo kuwa fudud waxaana ka mid ahaa baroon 50 hoobiye, iyo teedhi seven ama 37.
Wareejinta hubkan ayaa ka dembaysay kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay maleeshiyada Shabaab iyo hogaanka beeshaasi, kaasoo dhaliyay gacan ka hadal ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.
Qaar kamid ah waxgaradka beesha hubka lagala wareegay ayaa soo dhaweeyay talaabadan halka qaarkalana ay talaabadani ku tilmaameen mid sharci daro ah.
Ma’ahan markii ugu horeeysan ee ay Alshabaab hub kala wareegto beelaha daga gobalada Bay iyo Bakool iyadoo horey ay hub noocyo kala duwan isugujira ay kala wareegeen beelo halkaasi daga.
Waxaa Qoray Zahra Koronto.
Radio Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
