Khaanad: Madadaallo, Qodobada wararka, Wararka

Angelina Jolie oo Soomaaliya ka xanuunsatay.

Angelina Jolie.

Angelina Jolie oo kamida hobalada Mareykanka ee hollywoodka  ayaa ka damqatay xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Bar-kulan: Angelina Jolie oo kamida haweenka Hollywoodka oo ah shirkadda soo saarta aflaanta Mareykanka ayaa aad uga damqatay xaaladda bani aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo bulshada caalamka si degdeg ah ugu Codsatay iney wax ka qabtaan xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaana dadka ku xayirmay iyo kuwa ku barakacay gudaha caasimadda Muqdisho, halkaasi oo ay inta badan ka dhacaan dagaalo dhiig badani ku daato oo saamaynta ugu daran u geysta dadka rayidka ah.

Angelina Jolie dhawaanahan waxay ku sugnayd qaaradda Yurub oo ay kaga qeyb galaysay duubitaanka Filimkeedii ugu dambeeyay, iyadoo ka tirsan hobalada jila aflaanta Mareykanka sidoo kale Angelina waxay la shaqeysaa hay’adda QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR oo ay u hayso xilka danjire sharafeed UNHCR ka tirsan.

Angelina waxay ku safartay in badan oo kamida dalalka ay dagaaladu aafeeyeen iyo xeryaha Qaxootiga caalamka si ay markaasi diirada u saarto ama ay ula socoto xaaladda bani’aadanimo ee haysata dadyowga Qaxootiga ah, Marar farabadan waxay ka hadashay xaaladda Baniaadaniimo ee Soomaaliya iyadoba marar horena booqatay xeryaha qaxootiga ee ay Soomaalidu caalamka kaga jirto oo ay ka mid yihiin xeryaha qaxootiga Soomaalida ee wadanka Kenya.

Angelina waxay Tilmaantay inaad ugu walaacsantahy xaaladda baniaadanimo ee kumaan Qaxooti Soomaaliyo oo ay barakiciyeen dagaalada Muqdisho, iyadoo dad gaaraya 170 kun oo Soomaali ah ay ku khasbanaadeen iney guryahoodii kasoo cararaan ilaa iyo sanadkaan 2010 bilawgiisii.

Angelina Jolie, Danjire Sharafeed (Goodwill Amabassador)

“Xanuun ayay igu haysaa qiimeyn la’aanta nolosha aadanaha ee Soomaaliya ka taagan” ayey tiri Angelina Jolie oo ah Danjire sharafeed, hey’adda Qaxootiga ee QM, UNHCR,

Angelina waxay tiri “Xanuun qoto dheer ayay igu haysaa qiimeyn la,aanta nolosha aadanaha ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo hadalka Angelina uu ku soo beegmayo kadib baaq dhawaan uu soo saaray Madaxa UNHCR Hayaddda QM u qaabilsan arimaha qaxootiga Antonnie Guterres oo goor sii horeysay ku baaqay In bulshada caalmku ay dareen buuxa u lahaato bulshada dhibaateysan ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Angelina Jolie waxay ka codsatay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ineysan duqeyn islamarkaana aysan bartilmaameedsan goobaha ay dadka rayidka ahi ku sugan yihiin.

Inta badan maalin walba dagaalka ka dhaca Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada dawladda oo Tageero ka helaya ciidamada nabad ilaalinta Amisom iyo dagaal yahanada Muucaardka ee Kooxaha islaamiyiinta ayaa sida lagu xaqiijiyay Warbixintii ugu dambaysay ee ay soo saareen xafiiska QM u qaabilsan arimaha baniaadanimada Soomaaliya lagu sheegtay in dhaawac iyo Dhimashada ugu badan ay dagaaladaasi u gaystaan dadka rayidka ah iyadoo la xaqiijyay in dagaaladii dhacay kaliya bishii la soo dhaafay ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay  u geysteen dada gaaraya 900 ruux oo rayid u badan.

QM waxay ku qiyaastay in 100 kun oo ruux ay ka barackaceen Muqdisho tan iyo sanadkaan bilawgiisii, iyadoo sidoo kalana xaqiijisay in tirade dadka ku barakacay gudaha iyo wadamada Deriska ay gaarayaan ilaa iyo 170 kun.

Jolie iyo Rice, Maalinta Qaxootiga June 20, 2005.

Duqeynta, iyo dagaalada naxariis darada ah ayaa horseeday iney joojiyaan isku socodka gaadiidka ka shaqeeya hawlaha gargaarka bani’aadanimada sida gawaarida gurmadka degdeg ah ee ka shaqeeya gudaha magaalaada Muqdisho.

Qiyaastii 1.4 milyan  Soomaaliya ayaa ku barakcay gudaha Soomaaliya ilaa iyo 570 kun oo qaxootiya ayaa ku nool wadamada dersika halka 3 milyan oo Soomaaliya ay ku tiirsan yihiin gargaar banaadanimo, waxay arintaasi Soomaaliya ka dhigeysaa sida warbixinta lagu sheegay xaaladda baniaadanimo tii ugu xumayd ee haatan caalamka ka jirta.

Dhinaca kalana Maantay magaalada Qaahiro ee caasimadda wadanka Masar  waxaa ku kulmaya kooxda Xiriirka caalimiga ah ee Soomaaliya oo ay matalayaan Wakiilo ka kala socda ilaa iyo 40 dawladood, kuwaasi oo kawada xaajoonaya xaaladda Soomaaliya, waxaana kulankaasi martigelinaya ururka jaamacadda Carabta ee Fadhigiisu yahay magaalada Qaahiro ee Caasimadda Wadanka Masar.

______________________________________

Waxaa Qoray Cabdiqafaar Shire.

Xigasho: The Improper Magazine.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Jilayaal Mareykan ah oo $340 kun ugu deeqay Soomaaliya, 2011/10/08
  2. Seychelles oo ka qeybqaadaneysa gargaarka Soomaaliya, 2011/08/22
  3. Wafdi ka socday Mareykanka oo booqday xeryaha qaxootiga ee Kenya, 2011/08/10
  4. Jaban oo 5 million ugu deeqday Soomaaliya, 2011/07/21
  5. Shirkii IGAD oo laga soo saaray qodobbo khuseeya Soomaaliya, 2011/07/04

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal