Khaanad: Madadaallo, Qodobada wararka

Kaynaan aa la abaal mariyay.

Maalmihii ugu dambeeyay warbaahinta Dalka Canada ee ku yaalla qaarada ameerikada waqooyi waxaa kamid ahaa waxyaabaha sida aadka ah ay u hadal haysay abaal marinta sanad laha ah ee dalkaasi laga bixiyo oo la siiyo fanaaniinta uga wax soo saarka wanaagsan sanad walba, iyadoo Sanadkaan abmaal marinta Fanaanka sanadkan ugu wanaagsan dalka Canada la gudoonsiiyay K’naan.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Bar-kulan-Fanaanka lagu magacaabo kaynaan oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya balse haysta dhalshada wadanka Canada qaadayna heesta sida aadka loola dhacay ee waving flag, taasi oo goor aan sidaasi usii fogeyn ay mar kale dib u duubeen in ka badan 50 fanaan oo u dhashay wadanka Canada si loogu caawiyo dadka dhibanayaasha ah ee dalka Haiti, ayaa mar kale ku guulaystay oo ay abaal mariyeen laanta Canada u qaabilsan qiimeynta Muusiga, taasi oo kaynaan ka dhigeysa fanaankii sanadkaan ugu wanaagsanaa dalka Canada kadib markii la gudoonsiiyay abaal marinta Juno awards maalinimadii shalay ahayd isago ka guulaystay fanaaniinta Michwel Bubble Diana krall, Jan arden iyo Johny Reid.

Kaynaan oo ka hadlayay madasha ay ka dhacday xafladdani lagu bixinayay abaal marinta Juno awards ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku guulaysto abaalmarintaasi, isagoo sheegay ineysan xaqiiqdii wax fudud ahayn in lagu guulaysto abaal marin noocaas oo kale ah, waxa uuna intaasi ku daray inaad meel fariisan karto isla markaana saaxiibaadaa aad ku oran karto waa inaad badisaa hase ahaatee ay u baahan tahay dhabar adeyg iyo dadaal dheeriya inaad ku bixiso si aad u guulaysato.

Fanaanka Codka dabacsan Kaynaan ayaa madasha xafaladdu ka dhacaysay keaga sheekeeyay halka ay ka yimaadeen iyo taariikh nololeedkiisa waxa uuna yiri Canada waxaan nimid anigoo 15 sano jira, waxaana ka nimid Soomaaliy, markaasna ma aanan garanayn sida aan u darsi karo dareenkayga iyo noloshaydii hore, qorida heesaha iyo ku luuqayntooduna waxay noqotay waxyaabihii ugu horeeyay ee aan isku dayay inaan sameeyo.

Kaynaan xukuumadda Canada waxa uu uga mahad celiyay deganaanshaha ay siiyeen isaga iyo hooyadiis dalkaasi laga siiyay, taasi oo u suuro galisay inuu sameeyo horumarka dhinaca fanka ah ee uu abaal marintaasi ku mutaystay.

Warbixintaan waxaad ka dhageysan kartaa Boggaan qeybtiisa sare.

Xigasho: Warbaahinta Canada.

Waxaa Qoray Cabdiqafaar Shire.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Abaal-marin la siiyay askari dajiyay calanka Al-Shabaab, saarayna kan Soomaaliya, 2011/05/31
  2. Burco: Arday abaal-marinno la guddoonsiiyay, 2011/03/28
  3. Messi oo loo magacaabay xiddiga sanadka, 2011/01/10
  4. Abaal-marinta FIFA Ballon d’Or 2010 oo caawa la bixin doono, 2011/01/10
  5. Waving Flag oo Haiti loo duubay in lagu caawiyo, 2010/04/06

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal