Heesta Radio Bar-kulan.
Halkan maaanta waxaan idiinku haynaa hees aad u macaan oo ay qaar kamida fanaaniita Soomaaliyeed ay u qaadeen Radio Bar-kulan.
Dhabtii heestani waxay taabanaysaa muhiimadda ay leedahay  warbaahinta gaar ahaan midda ku dadaalaysa helitaanka warar sugan oo aan dhinacnn raacsanay
Warar been abuuroo, Bah-wadaagta kala dila, Lama baahiyee, sida Raadyaha bar-kulanbaa, Biyo kama dhibcaankiyo, Runta loo bareeraa.
Hadal aan bisleyniyo, been kuma hadaaqee, Horumarinta beeshiyo, Bulshaduu daneeyaa.
Doqonbaa bareeraha, Afka kala baqeyshee, Madashii barbaartiyo, Ballanteennu waa kulan.
Raadiyow Bar-kulan, Raadiyoow Bar-kulan, Raadiyoow Bar-kulan.
Sida biligta roobkiyo, bisha oo shindhalatuu, Raadyaha Bar-kulan, Beled iyo baaddiye, Durbadii ku baahee, Bulshayahay ha moogaan.
Raadyow Bar-kulan, Raadiyoow Bar-kulan, Raadiyoow Bar-kulan.
Heestan Waxaad ka dhageysan kartaa Boggaan qeybtiisa hoose.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Bar-kulan, Mar walba iyo Meel walba.
Warbixinada la Xiriira:
