Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

Xeer ilaaliyaha Kenya oo ka hadlay maxakamadaynta Burcad badeeda.

Nairobi:Bar-kulan-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa beeniyay in uu saxiixay heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan maxkmadeynta burcadbadeeda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Kenya Amos Wako ayaa beeniyay warar sheegaayay in uu saxiixay heshiis qarsoodi ah oo ah in Kenya gudaheeda lagu maxkamadeeyo burcadabadeeda Somaaliyeed oo ka ugaarsato biyaha badweynat Hindiya kasoo dhex maray dowlada wadanka Kenya iyo wadamada UK, Mraeykanak, Shiinaha, Canada, denmark iyo midowga Yurub.

Amos Wako ayaa waxaa wareysi la yeeshay gudiga aqalka barlamanka kenya u xilsaaran arimah adifaaca iyo siyaasada dibada waxan uuu gudigaasi u sheegay in heshiskan ay saxiixeen saraakiil ka tirsan wisaarda arimaha dibada ee Kenya.

Gudiga ayaa ka dib marki ay xeer ilaaliyaha wareysteen ku dhawaaqay in cidii saxiixday heshiiskan aysan daneyneynin arimaha iyo danta dalka kenya.

Inkastoo xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Amos Wako uu aaminsanyahay in maxkamadaha Kenya ay yaalaan kiisas fara badan oo cagajiid ku ah muwaadhiniinta dalka u dhashay, hadana waxaa uu leeyahay waxaa khasab ah in kenya ay fuliso heshiisyada caalamiaga ah ee ay saxiixday.

Boqolaal burcadbadeed Somaaliya oo ciidamada badda ee midowag Yurub ay qabteen ayaa waxay ku jiraan xabsiyo kala duwna oo Kenya ku yaala gaar ahaana magaalada Mombassa ee Gobolka Xeebta iyagoo ay dacwo halkaasi uga socoto.

Waxaa Qoray Yaxye Daahiye iyo Cabdiqafaar Shire

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Kenya oo joojisay maxakamadaynta burcad badeeda, 2010/10/05
  2. Yemen: shir looga hadlay Burcad badeeda iyo Tahriibka, 2010/05/19
  3. Kenya oo sheegtay joojinta maxakamadaynta burcad badeeda., 2010/05/19
  4. Yemen iyo maxakamadaynta Burcad badeeda., 2010/05/05
  5. Kenya oo diiday sii wadida maxakamaynta Burcad badeeda., 2010/04/02

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal