Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Tababar u furmay Macalimiinta waxbarashada Burco.

Burco:Bar-Kulan- Tababar ku saabsan  kor u qaadida tayada iyo aqoonta macalimiinta dugsiyada waxbarashada aan tooska aheyn , oo ay ka soo qeyb galeen 60 macalin oo ka kala socday gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa maanta ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Tababarkaan oo socon doona muddo 7 maalmood ah,ayaa xoogga lagu saari doonaa sidii macalimiinta loogu tababari lahaa sidii ay u sameysan lahaayeen kaabayaasha waxbarasha laga heli karo deegaanada ay macalimiintu ka kala yimaadeen iyo sidii ay u abuuri lahaayeen deegaan waxbarasho oo ardayda caawiya gaar ahaan ardayda Naafada ah, gabdhaha iyo reer guuraaga.

Mr. Maxamud Maxamed Cismaan oo ah madaxa hay’adda SCF ee Somaliland iyo Puntland oo furitaankii tababarkan ka hadlay ayaa sheegay in macalimiinta looga baahan yahay iney noqdaan kuwo ka fikira sidii ay ardayda u bari lahaayeen waxbarasho tayeysan, si loo helo arday tayo sare leh

Wuxuu sarkaalkaani kula dardaarmay macalimiinta tababarku u furmay in aysan noqon kuwo tababarka u yimid oo kaliya gunnada yar ee ay qaadanayaan,balse ay noqdaan kuwo daruusta iyo casharrada ay qaateen gaarsiiya goobihii ay ka yimaadeen.

Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer, Cabdi Axmed Saciid,ayaa halkaas ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in macalimiinta dugsiyada waxbarashada dadbani ay helaan fursadahan oo kale, isla markaana uu u rajeynayo iney ka faa’iideystaan tababarkaan

furitaankii tababarkaan waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka soctay hay’adda UNICEF, kuwaasoo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin tababarkan la siinayo macallimiinta ee kor loogu qaadayo aqoontooda waxbarasho.

Tababarkaan ayaa waxaa si wadajir ah iskaga kaashaday fulintiisa hay’adda SCF iyo wasaaradda waxbarashada, mana aha markii u horreysay ee macalimiin la siiyo tababar noocan ah.
Kayse Axmed Digaale
Bar-Kulan..Burco

Warbixinada la Xiriira:

  1. Burco: Tababar u furmay guddiyada waalidiinta dugsiyada, 2011/03/14
  2. Tababar macallimiin uga furmay Burco, 2011/02/09
  3. Kulan looga hadlayo waxbarashada oo ka furmay Burco, 2010/12/02
  4. Tababar waxbarasho oo ka furmay Burco, 2010/11/14
  5. Tababar wacyi galin ah oo ka furmay Burco, 2010/08/10

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal