Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudi Carabiya
Muqdisho: Bar-kulan-Muhaajiriin Soomaaliya ayaa dib loogu soo celiyay Dalka Soomaaliya kadib markii laga soo tarxiilay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana maanta dadkani laga soo dejiyay Gegida diyaaradaha ee Aaden cadde Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dadkan laga soo tarxiilay dalka boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 125 ruux oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Boqortooyada Sacuudi carabiya.
Dawladda Sacuudi carabiya ayaa inta badan soo tarxiisha muhaajiriinta Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan kuwaasi oo markoodi hore ka cararay dhibaatooyinka iyo dagaalada aanan dhamaadka lahayn ee Soomaaliya ragaadiyay.
Midkmida dadka lasoo tarxiilay ee maanta laga soo dajiyay gegida diyaaradaha Aaden cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Saxafiiyinta u sheegay in ciidamada ammaanka ee Sacuudi carabiya ay jirdil u gaysteen maxaabiista Soomaaliyeed markii ay ku jireen xabsiyada Dalka boqortooyada Sacuudi carabiya.
Waxaa Qorey Cabdiqafaar Shire.
Radio Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
- 2 nin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Nerderlands oo lagu xiray Nairobi, 2011/10/27
- Shixnado gargaar oo Muqdisho la geeyay, 2011/08/24
- Sacuudiga oo 50 milyan oo dollar ah ugu deeqday Soomaaliya, 2011/08/23
- Muqdisho oo laga dejiyay dad tarxiil ah, 2011/07/12
- Sacuudi Carabiya oo 149 aragagixiso lala xiriirinayo gacanta ku dhigtay, 2010/11/27
