Mareykanka oo ka hadlay ciidamo qorista Xerayaha Dadaab.
Nairobi:Bar-kulan-Dowlada Mareykanka ayaa cambaareysay tabarka iyo qoritaanka ciidamo la sheegay in lagu qorayo xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.
Ruben Bregtly oo ah wakiil ku xigeenna xoghayaha arimaha dibadda ee mareykanka ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Dhadhab lagu sameeyo howl noocaasiya, balse ma uusan faafaahin arimahaasi.
“Aad ayaan uga xunahay wararka ka soo baxaaya xeryaha Dhadhaab. Waa arin qalad ah in Dhadhaab ay noqoto goob lagu tababaro ciidamo lagula dagaalamo kooxaha dagaalada kawada Somaaliya.,” ayuu yiri Ruben Brigety,
Masuulkaan ayaa sidoo kale xubin ka ah gudiga dowladda mareykanka u qaabilsan arimaha dadweynaha, ee socdaalka iyo qaxootiga.
Wakaalada wararaka ee AP ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay sheegtay in Kenya dhaxdeeda laga waday tababaro qarsoodi ah oo la siinaayay ciidamo dowlada DFKG ah loo tababarayay.
Balse saraakiisha dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa beeniyay wararkaasi inkastoo sidoo kale ay arrintani xuseen madax kenyana oo ka soo jeeda gobolka woqoyi bari ee dalka Kenya.
Ruben Brigety ayaa dhanka kale sheegay in xerada qaxootiga ee dhadhaab la balaarin doono bilooyinka soo socdo si ay u qaado ilaa iyo 80,000 oo ka mid ah qaxootiga Somaaliyeed, hase yeeshee Brigtey ayaa ka digay in balaarintaasi aysan kaafin doonin qaxootiga somaaliyeed oo wali ku soo qulqulaya xeryaha qaxootiga Kenya.
Yaxye Daahiye iyo Ayaanle Xuseen
Warbixinada la Xiriira:
