Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Gudoomiyaha Dekadda Muqdisho oo ka hadlay afduubka

Muqdisho:Bar-kulan- Guddoomiyaha dekadda weyn ee magaalada Muqdisho Cabdi Jiinow, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dhawaan kooxaha burcad badeeda ah ay bilaabeen in ay afduubtaan doomaha iyo maraakiibta yar yare ee u raran ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdi Jiinow oo maanta u waramayey Radio Bar-kulan, ayaa sheegay in ay suuragal tahay in kooxahaan burcad badeedda ah ay yihiin kooxo cusub oo doonaya in ay hoos u dhac ku ridaan doomaha ku soo xirta dekadaha Muqdihso iyo Kismaayo.

Guddoomiyaha Dekadda Muqdisho, ayaa ku eedeeyey Maraakiibta dagaalka ee shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya aysan wax dan ah ka laheyn amniga doomaha iyo maraakiibta mara biyaha Soomaaliya, balse ay ilaashanayaan dano gaar ah.

Cabdi Jiinow, waxa uu xusay in ay hayaan warar sheegaya in mararka qaar iyadoo maraakiibta dagaalka ay aad ugu dhaw yihiin ay kooxaha burcad badeedu ay afduubtaan maraakiibta.

guddoomiyaha dekadda Muqdihso Cabdi Jiinow, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn in ay difaacdo biyaha Soomaaliya, beesha caalamkuna aysan sidii la rabin uga jawaabeynin.

Ganacsada Cabdi Guutaale, oo ka mid ah ganacsatadii ay u rarneyd doonta la afduubtay, ayaa Radio Bar-kulan u xaqiijiyey in 3 nin oo hubeysan ay galeen doonta kadibna ay ka jareen isgaarsiinta lagula xiriir lahaa.

Cabdi Guutaala waxa uu sheegay in aysan wax war ah ka heyn halka ay doontaas ku danbeysay, isagoo shaaciyey in doon kale oo doontaas ka danbeysay ay dib u soo laabatay markii ay aragtay kooxaha burcadda ah oo afduubtay doontii ka horeysay.

Ganacsade Cabdi Guutaale, ayaa xusay in doontaan ay keentay Magaalada Muqdisho badeecado iskugu jiro Raashiin iyo Daawo ay ka soo qaaday wadanka Pakistaan. Wuxuuna xusay in ilaa 10 shaqaale oo u dhashay wadamada qaaradda Eeshiya ay saarnaayeen doonta la afduubtay.

Radio Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Xoogsata Dekadda Muqdisho oo mushaarkooda ka cabanaya, 2010/11/20
  2. Dekadda Muqdisho oo La Dayactirayo., 2010/06/30
  3. Muruqmaalka Dekadda Muqdisho oo Mudaharaaday., 2010/06/24
  4. Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay safarkiisa Nairobi., 2010/04/29
  5. Maareeyaha Cusub ee dekadda Muqdisho oo Xilka lagu wareejiyay., 2010/04/09

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal