Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Faah-faahin la xiriirta kulanka caawa ee Arsenal v Barcelona

Bar-kulan-Caawa qaarada yurub waxaa ka dhacay mid ka mid ah kulamada loogu jecel yahay ee taariikhda gali doona , waana lugta 1aad ee koobka kooxaha horyaaladda yurub ee  Champions League, ciyaartu waxey ka dhici doontaa Emirates Stadium.

Kulankaan waxaa xiiso gaar ah u yeelay dhowr arimood oo kala duwan midi waa Henry oo caawa ka soo horjeesan doona Arsenal oo ah kooxdii uu ku soo caan baxay ee magac u yeeshay taasoo ah mid uu aad u jecel yahay, tan kale Fabregas ayaa kooxdii uu ku soo barbaaray ee Barcelon  caawa ka hortagi doona inkastoo uu shaki ji ro inuu ciyaari karo.

Cesc Fabregas 11 November, 1997 ayuu u saftay kulankii ugu horeeyay Barcelona wuxuu ka soo tagay isagoo 16 sano jir ah oo ku soo biiray Arsenal oo uu captain haatan u yahay markii uu mudo 10 sano ah la joogay.

Ciyaartoydii ay iskula soo barbareen Barcelona waxaa ka mid ah difaaca danbe ee kooxda Gerard Pique iyo Lionel Messi, kaaso laga soo qaatay kooxda Newell’s Old Boys ee horyaalka Argentina isagoo 13-sano jir ahaa waxeyan isla ciyaari jireen xilligii Barca Fabregas.

FABREGAS waa 22 sano jir , wuxuu saftay 27 kulan , wuxuu dhaliyay 15 gool , wuxuu sababay dhalinta 13 gool.

MESSI THIS SEASON waa 22 sano jir, wuxuu saftay 25 kulan, wuxuu dhaliyay 25 gool , wax gool ah oo uu sabab u ahaa ma jirto in la dhaliyo.

Baaldoosarka Arsenal Cesc Fabregas ayaa rajada uu caawa ka leeyahay inuu ciyaaro kulankaan ay tahay mid ah “40%”.

wali waxaa laga daaweynayaa dhaawicii  ka soo gaaray xaga jilibka kulankii Birmingham ay barbardhaca la galeen , maalintii shalay aheyd tababarka kooxda laguma arag.

Kubad sameeyaha Barca Andres Iniesta ayaa isagan aan ciyaari doonin kulanka caawa dhaawac dartii.

25-sano jirkaasi ayaa banaanka loo saaray qeybtii danbe ee kulankii horyaalka Spanish ee ay 1-0 ugu adkaadeen Real Mallorca sabtidii markii uu dhaawac soo gaaray.

Fabregas, wuxuu ku soo barbaaray xerada kooxda Barcelona, wuxuuna u sheegay macalin Arsene Wenger inuu jecel yahay inuu kulankaan ciyaaro laakiin rajada ayaa ah mid aad u yar.

Shaqaalaha caafimaadka ee kooxda waxey sheegeen iney jirto fursad uu ku ciyaari karo ciyaaryahankaan, taasoo ah 60 per cent, ama 40 per cent

Kulankaan wuxuu dib u xasuusin doonaa Arsenal ciyaartii finalaha ee Barcelona ay koobkaga kaga qaadatay 2006 – markaasi Barca waxey ku badisay 2-1.

Weeraryahanka kooxda Barcelona Thierry Henry ayaa ka hore tagi doona kooxdiisi hore caawa isagoo kooxdaasi u dhaliyay he 226 xilligii uu la joogay.

Barça kulankaan waxey ciyaareysaa iyadoo sabtidii kulankii horyaalkeeda 1-0 kaga adkaatay Real Mallorca Zlatan Ibrahimovi

2 mar oo kaliyaha ayeey 2daan kooxood waligood kulmeen mar waxey aheyd 4 sano ka hore Barça waxey Arsenal isku arkeen magaalada Paris finalihii koobka Champions League , sidaana waxaa koobkii ku qaadatay Barca waxaana goolasha 2-1 ee ay Barca xilligaa ku adkaatay u kala dhaliyay Samuel Eto’o oo haatan Inter u ciyaara iyo Juliano Belletti goolka arsenal waxaa u dhaliyay Sol Campbell’s, iyadoo ciyaartaasi laga saaray goolhayaha Arsenal Jens Lehmann.

FC Barcelona waligeed  kuma aysan ciyaarin garoonkii hore ee Arsenal ee Highbury , marka 2aad oo ay waligood kulmeen waxey aheyd 2daan kooxood isla koobkaan xilli ciyaareedkii 1999/2000 heerka group stage loo yaqaan markaasi Arsenal waxey ku ciyaaresay garoonka Wembley oo u ahaa garoonka ay tartamadaan ku ciyaarto.

Kulankii hore 1-1 ayuu ku soo dhamaaday markii ay garoonka Nou Camp ku soo ciyaareen bishii in September 99/2000, waxaa goolka Barca la dhaliyay Luis Enrique halka kan Arsenal uu dhaliyay Nwankwo Kanu,

Lugtii 2aad Barça  ayaa waxey ku adkaatay 2-4 markii England lagu ciyaaray , waxaa goolasha xiligaa u kala dhaliyay Barca Rivaldo, Luis Enrique, Luis Figo and Philip Cocu halka arsnenal ay 2da gool u kala dhaliyeen Dennis Bergkamp and Marc Overmars.

Thierry Henry xilligaasi kursiga keydka ayuu ku jira mana u ciyaarin Arsenal labadaasi lug.waxaana xilligaasi Group-kaasi oo ahaa Group B ka soo baxay Barça oo kaalinta 1aad ku soo baxday, iyo Fiorentina halka  Arsenal ay booska 3ada ay ku dhameysatay .

Sunni Said Salah

Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Man UTD iyo Arsenal oo caawa kulmaya, 2011/03/12
  2. Fabregas oo joogaya Arsenal, 2010/08/07
  3. Taariikhda kulanka caawa Barcelona vs Inter, 2010/04/28
  4. Falaqeynta kulanka Barcelona v Arsenal (taariikhda dib u raac ), 2010/04/06
  5. Arsenal oo bareejo dirqi ah ka bariday Barcelona, 2010/04/01

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal