Suuriya oo codsi u dirtay Dowladda Soomaaliya.
Sanca: Bar-kulan- Dowladda Suuriya, ayaa ka codsatay dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay qeyb ka qaadato sidii kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay u sii deyn lahaayeen badmaaxiin reer Suuriyo ah oo la afduubtay.
Badmaaxiinta u dhashay Suuriya, ayaa saarnaa oo ka shaqeynayay markab laga leeyahay Koonfur Kuuriya, kaasi oo gacanta u galay kooxaha burcad badeedda ah 2 bil ka hor.
Madaxa shaqaalaha maraakiibta ee Suuriya, ayaa sheegay in ay soo gaareen cabasho xoogan oo ka timid ehelada ilaa 9 badmaax oo Suuriyaan ah, kuwaasoo doonaya in la soo daayo dadka la afduubtay.
Ra’isal wasaaraha Suuriya Max’ed Naaji Cidri, ayaa ka codsaday ra’isul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid in uu dadaal u galo sii deynta dadka afduubka loogu heysto markab lagu heysto xeebaha Soomaaliya.
Madaxa shaqaalaha maraakiibta Suuriya, ayaa ka deyriyey xaaladda dadka afduubka loo heysto, isagoo sii raaciyey in dowladda Suuriya aysan marnaba wada xaajood la galeyn kooxo aan sharci aheyn oo afduubta maraakiibta iyo doomaha adeegsada biyaha Soomaaliya.
Waxaa qoray jacfar Kuukaay.
Sanca, Yemen.
Warbixinada la Xiriira:
- Dowladda Burundi oo ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya, 2010/12/02
- Ahlu sunna oo codsi u dirtay hay’addaha samafalka ee Guriceel, 2010/11/30
- Xeebaha Soomaaliya oo markab xamuul ah lagu afduubtay, 2010/11/29
- Xaaladda Soomaalida ku Nool Dalka Suuriya, 2010/10/20
- India oo dooneysa 120 bad-maax oo Soomaaliya lagu afduubtay, 2010/03/30
