Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Dhuusamareeb:Ahlu sunna oo Masaafurin iyo xukun sameeysay

Dhuusamareeb:Bar-kulan- Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka Gal-gaduud, ayaa maanta xukumo kale duwan ku fuliyey dad ku xirnaa xabsiyada Ahlu Sunna Walajameeca ay ku leedahay magaalada Dhuusamareeb.

Dadka la xukumay ayaa qeyb ka ahaa  ilaa 40 qof oo dhawaan howl-galo ay sameeyeen ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca lagu soo qabqabtay.

Guddoomiyaha garsoorka ee Ahlu Sunna Sheekh Saciid Sh. Cumar, oo Radio Bar-kulan u waramay, ayaa sheegay in maanta la xukumay 2 qof oo kala ah C/laahi Salaad Yare oo lagu xukumay in uu 24  saac gudahood uu iskaga baxo deegaanada ay ka taliyaan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Faadumo Yuusuf Kheyre oo lagu xukumay 6 bil oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Garsoorka ee Ahlu Sunna waxa uu sheegay in ay jiraan dad wali sugaya in go’aan laga gaaro, wuxuuna tilmaamay in dhawaan la dhameyn doono dadka dacwadaha loo heysto.

Go’aanka ka soo baxay Ahlu Sunna Waljameeca ee dadkaan lagu xukumay, ayaa yimid iyadoo dhawaanahaan ay Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca xoojiyeen howl-galada lagu soo qabqabanayo dad ay ku tuhunsan yihiin in ay amni daro ka wadaan gobolka Gal-gaduud.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Dhuusamareeb: Ahlu Sunna oo sii daysay dad ay xirxirtay, 2011/08/23
  2. Dhuusamareeb: Ahlu Sunna oo ka digtay dabargoynta dhirta, 2011/08/19
  3. Ahlu Sunna oo faahfaahin ka bixisay dagaalkii Dhuusamareeb, 2011/04/24
  4. Ahlu Sunna Waljameeca oo Eedeysay Xisbul Islaam., 2010/06/14
  5. Ahlu sunna oo bandow ku soo rogtay Dhuusamareeb, 2010/03/31

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal