Dagaal ka dhacay tuulo ku taala Mudug
Bacaadweyn:Bar-kulan- 23 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana wey ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay tuulada Baraag Ciise oo u dhaw deegaanka Bacaad weyn ee gobolka Mudug.
Dagaalkaan, oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kale duwan ayaa ahaa mid dhexmaray 2 maleeshiyo beeleed oo halkaasi ku sugnaa.
Goob jooge ku sugnaa tuulada Baraag Ciise, ayaa Radio Barkulan u sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u culus, iyadoo maleeshiyooyinka labad beelood ay si iskood ah dagaalka u joojiyeen.
Goobjoogahaan, ayaa sheegay in aysan jirin wax odayaal ah oo joojiyay dagaalka, balse markii ay timid dhimasho iyo dhaawac farabadan ay maleeshiyooyinkii ku qasabtay in ay dib u gurasho kala sameyaan.
Dadka ku dhaawacmay dagaalka maanta ka dhacay tuulada Baraag Ciise, oo intooda badan ahaa maleeshiyooyinkii dagaalamayey, ayaa la kala geeyey xarumaha caafimaadka ee deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn.
Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulooyinka u dhaw halka uu dagaalka ka dhacay, ayaa bilaabay in ay ka caraaraan deegaanadooda, iyagoo ka cabsi qaba in mar kale dagaalku dib u qarxo.
Dagaalka maanta ka dhacay Baraag Ciise, ayaa ah mid daba socda dagaalo u dhaxeeyay beelo halkaasi ku wada nool.
Dagaalkaan ayaa yimid iyadoo magaalada Gaalkacyo ay soo gaareen xubno ka tirsan guddiga dhexdhexaadinta beelahaasi halkaasi ku dagaalamay kuwaasoo dib uga soo laabtay deegaanka Bacaadweyn.
Dagaalka maanta ayaa la sheegay in uu dhabar jab ku yahay dadaalo wakhti socday oo heer gabagabo ah marayay, kuwaasoo lagu doonayey in lagu soo afjaro colaaddo ka dhex aloosnaa labadaasi beelood ee dirirtu ka dhaxeyso.
Radio Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
