Waving Flag oo Haiti loo duubay in lagu caawiyo
Heesta Waving Flag ee uu qorey islamarkaana uu ku luuqeeyo fanaanka codka dabacsan kaynaan ayaa loo xushay in caawinaad loogu raadiyo shacabka dhibaateysan ee Dalka Haiti oo uu dhulgariir xoog leh ku dhuftay bilawgii bishii janaayo ee sanadkan.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Bar-kulan: Heesta Waving Flag waxay u muuqataa mid dareen dhaba ka bixinaysa waxa ka dhacay dalka Haiti, sidaasi waxaa yiri Kaynaan, isagoo ku guda jira safar uu ku marayo qaar kamida dalalka yurub.
Heesta fanaanka kaynaan ayaa mar kale dib looga shaqeeyay islamarkaana ay duubeen 57 fanaan oo kamida fanaaniinta ugu caansan hobalada dalka Canada , iyagoo markaasi isugu magac daray fanaaniinta yaryar ee Haiti, waxaana fanaaniintaasi kamida ahaa hobolo caanka ah dalka Canada oo ay kamid yihiin Indie, Emily haines, xiddiga sare Avril Lavigne iyo fanaanka Drake,
Fanaaniintaan ayaa waxay bishii la soo dhaafay ee feberaayo 18keedi ay isugu tageen Istudiyo weyn oo ku yaalla magaalada Vancouver ee gobolka British Columbia ee dalka Canada si markaasi heesta mar kale dib loogu duubo, si dadaal dheeriyo loogu galo sidii lagu caawin lahaa dadkii caruurta iyo qoysaska dhibaatadu ka soo gaartay musiibadii Haiti ka dhacday.
Qaabkan cusub ee loo qaaday HeestaWaving flag ayaa lagu laray laxan iyo hal abuuro hor leh oo si gaara u muujinaya dareenka iyo shucuurta dadka magaalada Port au prince ee caasimadda dalka Haiti, laxankaan iyo habeyntaan cusub ee heesta Waving flag lagu sameeyay ayaa waxaa isku duba ridey soo saaraha caanka ka ah Dalka Canada Bob Ezrin.
Heesta Waving flag oo loo qaadayo qaabkan cusub ayaa la bilaabay in la iibyo 12kii bishan Maarso oo ahayd jimcadii aynu soo dhaafnay iyadoo kharashaadka kasoo baxana si toosa loogu wareejinayo hayadaha ka shaqeeya hawalaha bani’aadanimda ee sida gaarka ah u caawinaya Caruurta iyo haweenka dhibaateysan ee Dalka Haiti.
Hayadaha ka qeyb qaadanaya hawlahan baniadanimo.
Free The Children
Waa shabakada ugu balaaran caalamka ee ka shaqeysa isku xirka, dardar gelinta iyo caawinaada caruurta, waxaa aasaasay koox caruura oo dadoodu ay tahay 12 sano jiro kuwaas oo ku dhiiraday iney wax ka badalaan dareenka caruurta caalamka, kadibna caawinaad ay ka heleen bulshada caalamka ayaa waxay gacan weyn ka geysteen iney wax ka qabtaan isku xirka ubadka aduunka taaso sababtay in sare ay u kacdo waxqabadka ay siiyaan dhalaanka dunida, hay’adani waxay dalalka soo koraaya ka dhiseen in ka badan 500 oo xarumo waxabarsho, , iyagoo markaasi u suuro galiyay ku dhawaad 50,000 ardey iney helaan waxbarasho hoose dhexe oo bilaash ah isla markaana tayadeedu waxan tahay..
War Child Canada
Hay’addani waxay ka shaqeysaa inta badan caalamka, waxayna ku dadaashaa si markaasi ay u dhinto xaddiga baahida caruurta caalamka, islamarkaana ay u sahasho waxbarasho, daafacdo xuquuqda caruurta, hay’addani waxay ku dadaashaa sidii ay ku caawin lahayd caruurta caalamka ee u baahan in la caawiyo ee ay noloshooda saameeyaan colaadaha, iyo musiibooyinka dabiiciga ah iyadoo ahy’addani ku dadaasho sidii caruurtaasi ay ku dhisan lahaayeen mustaqbal iftiimaya.
World Vision
Hay’addani waxay dalka Haiti ka shaqaynaysay in ka badan sodon sano iaydoo qoysasayka danyarta ah iyo caruurta ka caawinaysay sidii ay nolol u samaysan lahaayeen, waana tan keentay iney hay’adaha kale kala shaqeyso iney caawiyaan dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirklii burburiyey dalka Haiti gaar ahaana caasimadda Port au Prince.
Dhamaan kharashaadka laga aruuriyo heestan oo laga sameeyay aragti iyo maqal labadaba ayaa waxay saameyn toos ku yelanaysaa dhibanayaasha caruurta ah ee ku dacdareysan dalka Haiti iyadoo kharashkana loo marinayo Hay’adaha gargaarka baniaadanimo ka shaqeynaya ee hawshaan gacanta weyn ka geystay.
Dareenka Kaynaan iyo Heesta Waving Flag.
Kaynaan, oo heestiisa Waving Flag ay noqotay mid soo jiidata inta badan indhaha caalamka ayaa waxaa la rumeysan yahay iney wax weyn ka tari doonta caawinta dad badan oo ku dhiibateysan dalka Haiti.
Kaynaan oo 31 jir ah deggana magaalada Toronto ee Dalka Canada ayaa si weyn u garan kara dhibaatada haysata dadka reer Haiti, iyadoo kaynaan uu ku dhashay magaalada muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya halkaasina ku noolaa intii lagu gudo jirey dagaaladii sokeeye kuwoodii ugu horeeyay inkastoo ay ka soo qaxeen Soomaaliya isagoo 13 sano jir ah, mudana dad qaraabadiisa ah kula noolaa magaalada New york ee Dalka Mareykanka ka hor intaanu u wareegin Dalka Canada.
Sanadkii 2009 waxa uu kaynaan soo saaray albumkiisa 2aad, iyadoo heesta sida aadka ah u soo jiidatay dareenka caalamka ee Waving flagna si wanaagsan loogu xardhay albumkaasi, iyadoo uu fanaanku rumeysan yahay in Muusiga iyo heesuhu ay yihiin awooda kaliya ee lagu gaari karo dareenka dadweynahah islamarkaana wax looga badali karo masiirka iyo dareenka bulshaweynta caalamka.
“waxaan filayaa farqi ayaa u dhaxeeya in dhacdo warbaahinta laga baahiyo iyo in hees lagu soo bandhigo, waxaan filayaa xoogaa iney ka duwan tahay marka hees lagu soo bandhigo, waxaan rajeynayaa inaan si dhaba heesta u xaqiijinayso in dadka ay la wadaagto dareen kasta oo bulshada ka dhex jira, sidaasi waxaa yiri Kaynaan mar uu la hadlayay warbaahinta Gudaha Dalka Canada.
Qaabka cusub ee loo qaaday heesta Waving flag waxay tilmaan ka bixinaysaa xaalada dhabta ah ee dalka Haiti, taasi oo u muujinaysa dhacdo si sahlan loo xasuusan karo markasta oo la arko amaba la maqlo heestaasi oo meel ka shidan.
Heesta ayaa waxaa si wada jira isula qaadaya hobola farabadan oo reer canada ah taasi oo xamaasad galineysa ruux walba oo daawada heestaasi qaabka cusub ee loo qaaday.
Marka la fiiriyo qaab qoraalka heesha kaynaan, ayaa heestani waxay u muuqanaysaa hees xambaarsan dareeno iyo shucur kala taasoo markaasi u muuqanaysa in dhinacyo badan loo adeegsan karo.
Kaynaan waxa uu dalka Canada dib ugu noqonayaa bisha soo socata ee April si uu uga qeyb galo munaasabadda sanadlaha ah ee abaal marinnada lagu gudoonsiiyo fanaaniita Canada, munaasabaddan sanadlaha ayaa lagu bixiyaa abaal marinta loogu magacdaray Juno Awards.
Heestaan qaabka cusub loo Duubay ee Waving Flag ayaa goor hore uu fanaanku duubay iyadoo markaasi loo xushay iney noqoto heesta sanadkaan lagu furi doono koobka kubadda Cagta ee lagu qabanayo Dalka Koonfur Afrika.
Halkaan ka daawo qaabka Waving Flag loogu qaaday Dalka Haiti.
Canada.
Haiti.
Magaalooyinka
New york.
Toronto.
Vancouver.
Port au prince.
Waxaa qorey Cabdiqafaar Axmed Shire.
Xigasho: The Vancouver Sun.
Radio Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
