Radio Bar-kulan oo hawada soo galaya
Bar-kulan oo hawada soo galaya bilawga bisha Maarso ayaa lagu wadaa inuu noqdo raadiyaha loogu dhageysiga badan yahay
Nairobi: Radio Bar-kulan oo ah Idaacad cusub oo ay somalidu leedahay ayaa waxay hawada soo geli doontaa 1 Bisha Maarso,2010, oo ku beegan maalinta isniinta ah waxaana Radio Bar-kulan la dhageysan doonaa hal saac oo aroortii ah iyo hal saac oo fiidkii ah saacadda afrikada Bari.
Xiliga Subixii waxaa laga dhagaysan doonaa mowjadda gaaban ee 19 mitir band oo la mid ah 15750 Khz saacaddu markay tahay 08:00 – 09:00 aroornimo, halka fiidkiina laga dhageysan doono mowjadda gaaban ee 31 mitir band oo u dhiganta 9960 iyo 9930 saacaddu markay tahay 7:00 – 8:00 fiidnimo. Muddo gaaban ka dib, inta lagu guda jiro bisha Maarso gudaheeda waxaan la filayaa in laga dhageysan doono hirarka FMyada ee gobolada dalka Somalia. Sidoo kale waxaa laga dhagaysan doonaa dhamaan barnaamijyada raadiyaha bar-kulan www.bar-kulan.com Bar-kulan waxa uu tiigsanaysaa hadaf ah nabad ku soo dabaalidda Somalia, waxayna barnaamijyadiisu u badnaan doonaan kuwo ku salaysan nabadda, waxbarashada, iyo madadaalada, waxaana ku yaraan doona barnaamijyada ka hor imaanaya nabadda, buun buunin kara colaadda haatan taagan ama horseedi kara dhibaatooyin hor leh. Bar-kulan Waxaa ka hawlgali doona shaqaale khibrad sare leh oo ka soo shaqeeyey warbaahinta gudaha iyo tan dibadda, soomaalida dhexdeedana sumcad ku leh, Waxa uuna dadka soomaaliyeed sii doonaa fursad ay nabadda ku dhiiri galiyaan. Bar-kulan gacansaar lama lahan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, ururada bulshada, ganacsatada, ururada caalamiga ah sida Qaramada midoobay, midawga afrika, jaamacadda carabta, ururka wadamada islaamka, urur goboleedka igad iyo hawlgalka Amisom. Tifaftiridda guud ahaan barnaamijyada Bar-kulan waxaa si madax banaan u hogaamin doona suxufiyiin soomaali ah oo ku xeel dheer mihnadooda shaqo, aqoon durugsana u leh xaaladda guud ee dalka, tan gobolka, iyo caalamkaba. Bar-kulan hadafkiisa kama dambaysta ah waxa uu yahay ummadda soomaaliyeed oo dib u soo ceshata xasiloonidii iyo kala dambeyntii kuna waarta nabad iyo maamul wanaag. Bar-kulan Goobta wadaxaajoodka soomalida, kala soco Meel walba
Webmaster,
Warbixinada la Xiriira:


Idaacadan hadal haynteeddii way nagu badatay, sugutaankii Isniintuna way nagu fogaatay. Waxa se isweydiin muddan rugta idaacadu ma XALNAY noqon mise waa dibadyaal.
radio radaiyaha ku hadla afka xasuqayaasha somalida waxaad laga dhagysan doonaa oo kale qaybta naarta ugu hosaysa kkkkk,war ilaahay kabaqa ee addoontan nagumaaday noo dhafaiya wadanka ,laakiin lacag raadiska dadka ah ee ushaqyndoona radiyahan ilaahay hakaga fogaanina si sax ah wax usheega ,aakhiradiina haganina shaabaab down aamiin ,amison down aamiin xisbul islaam down aamiin ,dowladda shariif down aamiin,somali wayn allloow soo celi noona xoree 5 ta somaliyeed ,ogaden,jibouti,nfd.koonfur iyo waqooyi oo hadda dhamaan laguumaysto alaahuma aaaamiiiin …
Mansha Allah Ilahey ha inii sahlo howlaha muhimka ah ee aad umada usoo wadaan iskana ilaaliya waxii somali ka durjinaya