Munaasabad Dhalashada Nebbiga (S.C.W) oo Ka Dhacday Meelo Badan oo Aduunka ka mid ah
Munaasabad si heersare ah loo aggaasimay oo loogu dabbaaldagalayo dhalashada Nebbiga (S.C.W) ayaa waxay ka dhacday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu ku aadan tahay 25-ka Febraayo.
Waxaa munaasabadaas ka soo qeybgalay dad badan oo ay ka mid yihiin masuuliyiin iyo cullimo waa weyn. Waxayna si qoto dheer uga hadleen mudnaanta maalintaan iyo sida loogu baahan yahay in la wayneeyo Xuska Nebigeenna Suuban (S.C.W).
Waxaa munaasabado noocan oo kale ah ay ka dhacday meelo badan oo ka mid ah wadanka Somaaliya iyo Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi. Xaflada ka dhacday Nairobi waxay ahayd mid si fiican loo soo agaasimay, oo ay ka qeybgaleen dad aad u badan. Meelo kale oo badan oo adduunka ka mid ah ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhacayaan munaasabado noocaan oo kala ah.
Abshir Warsame,
Radio Bar-Kulan
Saxafiga arimaha diinta
Warbixinada la Xiriira:
- Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Boorame, 2012/01/06
- Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Gaalkacyo (Sawirro), 2011/09/15
- Munaasabad xarigga looga jarayay laanta socdaalka oo ka dhacday Gaalkacyo, 2011/07/22
- 15 May oo Meelo badan laga xusay., 2010/05/17
- Nigeria: hotel –ku waa mid buuq badan, 2010/05/03
