Maradona oo weeraray Valdano
Maradona ayaa si weyn u weeraray Jorge Valdano, oo ah agaasimaha guud ee kooxad Real Madrid, isla markaana ay ka wada tirsanaayeen xulkii uu hogaaminayay Maradona ee Argentina ee qaaday koobkii aduunka ee 1986.
Maradona, oo ah macalinka Argentina kaasoo noqday 14 bilood ka hore, ayaa canbaareyn dusha kaga tuuray Valdano, isagoo ku eedeeyay inuu si naxariis daro ah ula dhaqmo ciyaartoyda Argentine ee joogta kooxda Real Madrid.
Isagoo ka hadalayay wareysi uu ka qaaday radio dalka Argentine ku yaala , ayaa wuxuu dhaleeceeyay qaabkii ay Real Madrid ugu iibisay difaaca reer Argentina Gabriel Heinze sanadkii tagay kooxda Marseille,isagoo ku daray in Valdano uu wali isku dayayo sidii uu ugu taqalusi lahaa midfielder Fernando Gago. Maxaa yeelay Gago fursado fiican oo uu ku ciyaari karo kama helo macalinka Madrid coach Manuel Pellegrini,. Heinze iyo Gago waxey ka mid yihiin ciyaartoyda line up ee Maradona.
Maradona wuxuu ku tilmaamay Valdano inuu yahay “anti-Argentine” nin mucaarad ku ah Argentina isla markaana ah “enemy” cadow intii uu wareysigaasi bixinayay .
“xiriir wanaagsan ayaan la leeyahay isaga (Valdano), laakiin waxaan arkaa inuu xaqiiqada iska indha tirayo , waxaa dhibaya ciyaartoyda Argentine,” Maradona ayaa sidaasi sii yiri.
Wuxuu kaloo uu sheegay in Valdano uu doonayo haatan in uu takooro Gonzalo Higuain, kaasoo ah ciyaartoyga ugu goalasha badan Real Madrid—isagoo ka sareeya Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Senior Somali Sports Journalist
Warbixinada la Xiriira:
