Khaanad: Ciyaaraha

Macalin Sir Fergusen iyo ciyaartoydii …

This is the caption. © Getty

Bar-kulan-Tan iyo Markii uu Tababare u noqday Sir Elx Fergusen Naadiga Manchester United waxaa soo maray waayo kala ka duban, isagoo Naadiga keenay Ciyaartoy wanaagsan uu qarashaad farabadan kasoo bixiye halka uu ciyaartoy Lacag aan waxba ahayn kusoo iibsaday Markii danbe na uu ka Bixiye Lacagihii ugu badna Ee Ciyaaryahaan lagu iibsado.

Sir Alex Fergusen sidoo kale Waxuu Naadiga kusuoo barbaariye Ciyaartoy badan Sida Labada Walaalaha ah Ee haatan mid uu Captain u yahay Naadiga Everton Ee Philp Neville,Gary Navelle, Poul Scholes iyo Ryan Giggs oo wali dhextagan Garoonka Old traford halka Solsckisier uu ciyaaraha ka fariistay iyo Captainkii Roy Keane oo iminka noqday Tababare iyo Xidigii Haatan si amaah ahaan dib ugu laabtay Naadiga AC Milan ee David Beckham iyo ciyaartoy kale oo taariiqda Man Utd galay.

Aan ku hormarno ciyaartoydii uu Sir Alex Fergusen soo iibsaday islamarkaana u u arko inuu ka garay ujeedkii uu usoo iibsaday, Waxa idin soo xulnay 5 ka mid ah Ciyartoydasi, halak 5 kale Ee Flop ka noqtay aan idin kusoo gudbin doonaan Warbinadeena danbe.

5. Louis Saha.

Xidigaani waxuu Libax ka ahaa Naadiga Fulham, Saha waxuu goolal cajiib ka dhalaiye Manchester United waana midda ku kaliftay Sir Alex Fergusen in Xidigaani uu garoonka Old Traford keeno.

Saha Waxuu waayo wanaagsan kusoo qaatay Naadiga Manchester United,layaabka waxuu dhacay markii Uu Tababre Sir Alex Fergusen uu Xidgaani Line Up kasoo dhigay isagoo kaydka galiye Xidigii ku raxaysanaye Gool dhalinta Horyaalka Ingriiska Ee Van Nistelrooy.

Saha Waxuu kusoo Biiray Manchester United Sanadkii 2004 markaasi uu kaga soo baqoolay Fulham Adduun lacageed gaaraya £12.8 million , Saha waxaa ciilay Dhaawac walaal la noqday isagoo haatan xirfadiisa kasii wata Naadiga Everton oo haatan ku suganyahay.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Sir Alex oo ka jawaabay hadalkii Eric Abidal, 2011/05/24
  2. Messi oo qiray inuu taageere u yahay Sir Alex Ferguson, 2011/05/19
  3. Kooxaha ingiriiska oo walwal ka qaba Real Madrid, 2011/02/21
  4. Sir Alex oo ammaan u jeediyay Rooney iyo Berbatov, 2011/02/04
  5. Macalin Sir Fergusen iyo ciyaartoydii …, 2010/02/22

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal